fbpx

Taariiq Kooban Ku Saabsan Turkey iyo Istanbul

Istanbul Arel University - International Office

Dhulka hada uu ku fadhiyo wadanka turkiga waxaa lagu maga caabi jiray “Anatolia” waxa ay martigalisay dhaqano kala duwan sida Aiols, Dors, Ionias, Thracians iyo Persians intii lagu jiray xiligii Palaeolithic. Kadib waxa uu xukunku gacanta u galay Aleksandros kasoo ay xukunta uga danbeeyen boqortoyooyinkii Romans ka iyo Byzantines.  Intii lagu guda jiray qarnigii 11naad waxaa bilaawaday kacdoonkii selcuk Turks ayagoo kasoo horjeedo xukinkii Byzantine ilaa ay xukunka qabsadaan, kadib 1243 waxaa kusoo duulay oo qabsaday xukunka Mongol.

 

Duulanki Mongol kadib waxaa soo shaacbaxay maamulo yar yar oo laoran jiray Beys oo ahaa turki. Dhamaadkii qarnigii 13’aad waxaa xukunka qabsaday boqortooyadii la oran jira Cusmaaniyiinta ayagoo awoodooda gaartay qaaradaha afrika, yurub iyo aasyiya. Qarnigii 17aa’d dagaaki labaad aduunka ayey la burburtay xukunkii iyo awoodii cusmaaniyiinta, taasina waxay sabab u noqotay in uu soo baxao ninkii la aronjitay Mustafa Kemal Ataturk oo ku dhawaaqay madax banaanida dowlada Turkiga kana horyimid Ciidamadii shisheeye ee wadanka qabsaday ilaa iyo marki danbe oo ay ku guuleestan in loo aqoonsado Dowlad madax banana 1923.

 

Istanbul waa magaalo weyn oo marti galisa dhaqano kala duwan, waa magaalo qani ku ah dhaxalka taariiqyadi kala duwanaa ee soomaray. Istanbul waa magalada ugu dadka badan wadanka turkiga. Waxa magaalda dhaca bahdaha kala ah Marmara iyo bada madow.

 

Gacanka istaratiijiga ah ee magaciisu yahay “Bosphorus” ayaa mara magalada Istanbul, kasoo kala qeebiya qaaradaha Asiya iyo Yurub. Kacanku waa mid halbowle u ah ganacsiga aduunka taasina waa mida sababtay in ay Istanbul noqo santerka aduunka.

 

Cimilada Istanbul waxaa sameeya badaha gala duwan ee dhaca magalada, xiliga xagaaga waa kuleel halka xiliga dayrta ay tahay qabow.

 

Sida loo isticamaalo waqtiga aad firaaqada leedahay istanbul


waxaad booqan kartaa badaha quruxda badan ee ku hareeresan magalada Istanbul, waxad kaloo booqankartaa meelaha taariiqiga ah oo qaarkood hoos ku xusnay.

 

Taksim Square
Magaca Taksim square waxa uu ka yimid xiligii cusmaaniyinta oo qolada  biyaha gada ay u qeebin jireen dhamaan magaalda biya taksim, kadibna maxa ay noqotay meel isgoys caan ah, xafadaha ku hareeresan waakuwa cariiri ah luuq luuqyo badan, waxa mara tramvay ga taaqriqiga ah kaasoo ka soo baxo bilawga taksim square ilaa laga gaaro tunelka taariiqiga ah.

 

Sultanahmet Square
waa is goys taariiqi ah oo soo jiita malaayin dalxiisayaal oo ku sugan caalamka daafahiisa, waxaa kaloo isgoyka loogu yeeraa Hippodrome, isgoyka waxaa dhaca dhismayaal taariiqi ah sida Hagia Sofia, Masajidka Buluuga, Basilica Cistern, German Fountain and the Taalada Theodosius.

 

Sultanahmet Mosque
Masajidka buluuga ah waa mid caan ka ah wadanka turkiga dalxiisa yaashuna ay booqdaan, buluuga waxa uu ka yimid nashqada masaajidka gudahiisa waa mid buluug ah, sidaa ayaa loogu magac daray.

 

Hagia Sophia
Masaajidka Hagia Sophia waxa uu ku yaalaa meel u dhaw isgoyska sultanahmet, taariiqda Hagia Sophia waa mid qoto dheer, waxaa loo isticmaalay dhismaha sababa kaladuwan, mar waxa uu soo ahaa kaniisad, mar waxa u soo ahaa madxaf, hada waa masjid, dhismaha Hagia Sophia waa mid cajaaib ah sababtoo ah fooqa weey ee korsaran malaha wax tiir ah dhaxda ka celinaya, waxaa soo booqda dalxiisayaal baddan iyo dad in ay ku cibadeestan u yimaada.

 

St. Antuan Church
Waa kaniisdad ku taala wada istiklal cadesi marki hore waxa magaceedu ahaa St. Antuan Church, waxa ay aheed kaniisadi ugu weyneed ee boqortooyadii Romanka ay ka dhisaan Istanbul. Waxaa loo dhisay shacabka in ay ku cibaadesystan shacabka talyaaniga ee ku nool magaalada Istanbul markuu xiliga ahaa 1725.

 

Dolmabahçe Palace
Qasriga Dolmabahce waxuu ka midyahay dimayaasha ugu quruxda badan ee ka dhisan magalada Istanbul, Qasrika waxaa dhisay Abdülmecid I, waxa uu dhismihiisu socday inta u dhaxeesay 1842 ilaa 1853. Qasriga waxa uu Abdülmecid I u isticmaali jiray hoy iyo meel uu ku qaabilo madaxda iyo martidiisa, waxaa dhisay qasrigaan Garabet Amira Balyan iyo wiilkiisa Nigogos Balyan waxa ay u dhasheen armeniyaan. Nashqada qasriga waxaa laga keenay qaradaha yurub, Qasriga waxaa laga dhigay madxaf marki uu sanadka ahaa 1984, hada waxa qasriga booqosho ugu taga dalxiisayaal aad utira badan.

 

Basilica Cistern
waxaa looyaqaan qasrigi quusay ama ay biyaha ay ka kormareen, waagi hore waxaa loo isticmaali jiray in biyaha lagu keediyo, waxaa dhisay boqorkii la oranjiray Justinian, waxaa la dhisay 532. Dhismaha waxa uu leeyahay 336 udub dhaxaad, xiligaan waxa ay furuantahay waana lasoo booqan karaa.

 

The Maiden’s Tower
Kiz kulesi waxa ay ku taalaa bada dhaxdeeda meel u dhaw xeebta, dagmada uskudar, in kastoo aan la hubin taariiqda saxda ah ee la dhisay waxaa lagu qiyaasaa in la dhisay 341,BC
magacyadi hore ee loogu waci jiray waxay kala ahaayen Damalis iyo Leandros, nmagaca dimalis waxa la oranjiray xaaski boqorki Athens, marki ay dhimatayna waxaa lagu aasay meel u dhaw taalda, waxa kale oo loogu waci jiray taalda Arcla xiligii Byzantine ka kasoo laga wado ‘qasrigii yara’.

 

Galata Tower
Galata Tower waxaa xiligi Byzantines loogu waci jiray Megalos Pyrgos halka Genoese ay ku magacaabi jireen Genoese. Magaca ‘gala’ fasiraadisa waxa lagu fasiraa ‘caano’ waxana la qiyaasa in magacu asal ahaan ka yimid talyaaniga.

Nolosha Istanbul