fbpx

Fiisaha Iyo Iqaamda

Istanbul Arel University - International Office

Si aad u dhameystirto diwaan galinta ugu danbeysa ee jaamacada uma baahnid in aad keento viiso.
Hadaa rabto in aad wax badan ka ogaato arimaha fiisaha fadlan booqo www.mfa.gov.tr/visa-information-for-foreigners.en.mfa.

 

Dhamaan ardayda ajaanibta ah waxaa waajib ku ah in ay xareestan codsiga helista iqaamada ama dalku jooga bil gudohood kadib marka ay turkiga yimaadan.
Ayada oo la eegayo goaanka wasaarada arimaha gudaha wadanka turkiga dhamaan arimaha quseeyo daganaanshaha waxaa masuul ka ah xafiiska immigration ka ee xaruntiisa ku taal wadada Vatan Caddesi, No: 64, Istanbul)

 

Marki aad xareesaneeso daganaanshaha waxaa lagaaga baahan yahay dokumintiyada hoos ku xusun. Marka hore si aad balan uga qabsato xafiiiska immigration ka booqo e-ikamet.goc.gov.tr

 

sidoo kale waxaa toos ula xariiri kartaa xafiiska immigration ka iyo dangaanshaha adigoo ka waci kara number ka ah 157 ama booqo www.goc.gov.tr

 

1. Foomka codsiga iqaamada kasoo aad kabuux buuxineeso website ka ah www.goc.gov.tr. Kadibna waa in aad daabacdo saxiixdana.

 

2. Dokumintiga adresska qofka codsaha ahi waa in uu keena adresska hoygiisa, hadii uu ardaygu dagan yahay hoyga ardayda waa in uu xafiiska maamulka kasoo qaataa warqada adresska oo uu saxiixay maamulka, hadii aad dagantahay guri qaas ah waa in aad keentaa kontaragtiga aad wada gasheen mulkiilha hoyga kasoo laasoo nootaayeeyay.

 

3. Warqada cadeenta lacag bixinta, waa in aad soo bixisaa qidmada lacagta adigoo ka bixin kara online ama meelaha dowlada ay lacagta ku qaado.

 

4. Hadii uu qofka codsanaya uu ka yaryahay 18 sano waalidkiina uusan la socon, waa in uu warqad wakaalad usoo diraan waalidkiisa. Hadii uu xiliga dhicida pasporka ay ka dhiman tahay mudo ah 3 biloow waxaa lasiin doona iqaamo 1 bil ah, yacni xiliga basababorkaga uu dhacaayo 2 bil kahore ayey iqaamaduna dhaceesa.

 

ardayda dooneesa in ay jadiidiyaan iqaamo ay horo u qaateen waan in ay xareestaan codsiga cusbooneesinta inta aysan dhamaan mudada iqamaada uu haysto, waxaad xareesan kartaa codsiga cusboonosiinta marka ay ka dhamantahay 2 bilood iqaamada aad heesato.

 

Fiira Gaara: haka bixin wadanka adigoon helin iqaamadada.

 

Suaalaha Badi Nala Weediiyo. 

1. Waa maxay luqada waxbarashada ee jamacada Istanbul arel ?
Luqadaha waxbarashada jaamacada arel waa af ingiriis iyo afturki, waxa ay ku xirantahay taqususka aad dooratay luqaduu ku baxo.

 

2. Sidee u xareesan karaaa jaamacada?
Si aad u xareesato jaamcada waa inaa buuxbuuxisa foomka codsiga kuna lifaaqdaa dhamaan dukumintiyada lagaarabo, adigoo ka heli foormka. isa.arel.edu.tr

 

3. Majoogan jamacada qeeeb ka shaqeesa Cafimaadka.
haa jaamacada waxa jooga dhaqtar iyo kalkaaliso oo ay ardaydu kala tashan karaan waxi caafimaad quseeya sida gargaarka dagdaga, isticmaalka dawowyinka.

 

4. Maleedahay jaamacada Istanbul arel programyda kuu sahlayo in aad waxbarasho ama tababar aad u tagto wadama kale?
haa jamacada Istanbul arel waxa ay lee dahay programka  Erasmus+ u sahlayo adayda in ay dalka dibadiisa ku soo qaataan waxbarasho iyo tababar, waxa ay jaamcadu xiriir la leedahay117 jamacadood 24 kamida ay ku yaalaan qaarada yurub.
5. Jaamacadu ma leedahay adeegyada ispoortiska?
haa jaamacada wax diyaar kuugu ah dhamaan adeegyada isportika ee kaladuwan, waxa kale oo jamacada ka dhisan ku dhawaad 50 naadi ardaygu waxa uu ku biiri karaa naadiga uu rabo asga oo ku dooqnaya qeybta ay ka howlgalaan, muhiimada jaamacada ay kaleedahay isportika waa in ay kor u qaadaa is dhaxgalka ardayda,bulshada, iyo macalimiinta.

 

6. Jaamacda istabul arel maka caawisaa ardayda dhigata iyo kuwa qalin jabiyay labadaba in ay helaan shaqo?
haa jamacda Isatanbul Arel waxa ay ka caawisaa ardayda in ay helaan shaqo, xafiiska ArelKAM- Career oo ay tahay shaqadiisa in uu ardayda ka caawiyo lana qorsheeyo helista fursado shaqo.
7. Sidee jaamcada Istanbul Arel loo aadi karaa loogana imaan karaa?
jamcada Istanbul Arel waxa ay leedahay gaadid lacag laan ah oo ka shaqeeya inta u dhaxeesa campuska Kemal Gözükara iyo inta u dhaxeeso isteeshanka metrobuska ee TÜYAP.

Prospective Students