fbpx

Iskoolka Diyaarinta Luqada Ingiriiska

Istanbul Arel University - International Office

Kooxda Hadalka: 

 

Kooxda hadalka waxa ay ka dhisan yihiin labada kambus Kemal Gözükara iyo Sefaköy, muhiimada kooxda waa in ay hormariyaan ku hadalka luqada ingiriiska ardayda dhigata jaamacada Arel shaqooyinka ay kooxdu qabtaan waxa ay hoostagaan maamulka macalimiinta luqadaha, dhamaan ardayduna waa ay ka qaybgali karaan.

 

Kooxda Hadalka:

 

kooxda hadalka ayagoo ka faaidesanaya buugaagta tirada badan ee luqada ingiriiska ee yaala madbacada waxa ay hormariyaan dhaqanka aqrinta buugta iyo hormarinta aqrinta luqada ingiriiska.

 

imtixaanka Qiimeenta:

 

Bilowga Sanad Dugsiyeedkaste waxa ay jaamacadu qaadaa imtixaanka qiimeenta luqada taaso ay dhamaan ardayda fursad u heestaan in ay galaan.
Darajada ugu yar oo lagu baaso imtixaanka waa (70) ardayda keenta darajo kayar intaa waxa ay dhigan doonaan iskoolka diyaarinta luqda ayagoo lagu qiimeendoono darajada imtixaanka.

 

Imtixaanka Qiimeenta:

 

Bilowga sanad dugsiyeed kaste waxa imtixaan qiimeen ah laga qaadaa ardayda dhigata luqada kaa soo lagu qiimeenayo heerkoda luuqada, ayada oo la eegayo natiijada imtixaanka waxaa ardayga la fadhiisin doona fasalka ama heerka uu uqalmo.

 

Wacaya Gelinta Ardayda:

 

Isbuuca ugu horeeya ee sanad dugsiyeedka cusub jaamacada waxaa ay sameesaa wacyigalin taaso fursad qaali u ah ardayda ayaga oo loo sharxayo nadaamka waxbarashada, sharciyada jaamacada, sidoo kale in ay lakulmaan macalimiintooda,iyo waxi lamida.

 

Isxaadirinta Fasalka:

 

Ardayda waxaa waajib ku ah in ay xaadiraan cashirada barashada luqada English ka 80%

 

Qakabka Wax Barida Iyo Waxbarashada Online Ka Ah:

 

Mudada waxbarashada qalabka la isticmaali doono waa kuwa heersare ah oo laga aqbalsan yahay heerka waxbarashada yurub ee la yiraahdo Common European Framework of Reference for Languages (CEFR)

 

Heerarka Luuqada:

 

Barashada luqada in giriiska waxa ay ka kooban tahay sadex darajo, waxa ay ardaydu ka bilaaban heerka koowaad oo ah A1, A2 , heerka ku xiga oo ah B1, B2, kaasoo ardaydu ay ku qalanjibin karaan, darajada ku xigta oo ah C1, C2 oo ah heerka taqususka

 

Qudbad:

 

Qeeb ka mid ah cashirka ku hadalka waxaa ardayda waa laga rabaa in ay soo jeediyaan qudbad ama (presentation) dhamaadka semisterka koowaad iyo semistirka labaad ayda nadiijada qudbadahan lagu dari doono qiimeenta imtixaanka kama danbeyska ah.

 

Qorida Qoraalada:

 

Ardayda waxaa laga rabaa in ay soo qoraan qoraalda layliga ah kaasoo natiijada ay ka helaan lagu dari doono imtixaanka kama danbeyska ah.

 

U Diyarinta Waxbarashada Heerka Sare:

 

Ardayda marki ay dhameeyan iskuulka luuqada waxaa la siin doona koorso iyo dhamaan qalabka ay u bahan yihiin si ay ula jaan qaadaan waxbarashadoda heerka sare. Ardayda baraneesa xirfada turjumaanimada waxaa la siin doonaa koorso u qaas ah.

 

Jadwalka Koorsada:

 

Isbuuci waxaa qaadan doontaa 28 saacadood oo cashar ah kaasoo ka kooban 18 saacadood oo aqris ah, 6 saacadood oo qoraal ah, 4 saacadood oo hadal ah.

 

Qaabka Imtixaanka:

 

Imtixaanka kama danbeyska ahi waxuu dabooli doona 40% halka imtixaanka isbuuclaha ah ee la galo labdi isbuucba mar uu dabooli doono 40%, inta soo hartay oo ah 20% waxaa qiimeenteeda iska leh macalimiinta. Qiimeenta macalimiinta waxa ay ka koobantahay 6% oo ah layliyada qoraalka, 6% oo ah layliyada hadalka, 8% oo ah soo xaadirida Fasalka.

 

Iskoolka Xagaaga: 

 

Ardayda ku dhacda imtixaanka diyarinta ama barashada luqada ingiriiska waxa ay fursad u heestan in ay dhigtaan iskookga xagaaga hadi loo soo bandhigo, kaasoo bilaawda isbuuca u danbeeya june dhamaadana isbuuca labaad ee august. Waxi faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan iskoolka xagaaga waxaa lasoo shaacin doona bisha june.

 

Hagida Ardayda:

 

Ardaydu waxa ay caawimaad ka codsan karaan macalimiintooda, codsigooda waxaa loo soo gudbin doona maamulka, hadii loo arko codisga mid muhiim ah waxaa loo fulin doona ardayda codsigooda.

 

Administration Maamulka:

 

Inkastoo cashirda luuqada lagu dhigo labada kambus, maamulka luqadaha xafıııskooda waxa uu ku yaalaa kambuska sefakoy.

 

Tababarida Macalimiinta:

 

Qiimeenta Fasalka:

 

inta aysocoto waxbarashada waxaa qiimeen lagu sameeyaa fasalada ay wax barashadu ka socoto aydoo loo marayo qof ay maamulku u idmaday, sanad kaste ayada oo la eegayo qiimeenta waxaa lagu soo kordhiyaa waxi baahiya ah.

 

Qiimeeyn:

 

Dhamaadka sanad dugsiyeedkaste waxaa ardayda laweediiyaa suaalo qiimeyn ah oo ku saabsan cashirada, macalimiinta, iyo dhaaman baahiyaha ay qabaan kadibna maamulku wax uu isbadal ku sameeyaa baahiyaha.

 

Xafiiska Imtixaanaa Iyo Qiimeenta:

 

Xafiiska wax uu diyaariyaa qiimeeyaana dhamaan imtixanada.

 

Prospective Students