fbpx

Hoyga

Istanbul Arel University - International Office

Guryaha ardaydya jaamacada Arel

 

Tira filooyin ah oo loogu talagalay in ay hoy ka dhigtaan ardayda jaamacada Arel ayaa ku yaala meel u dhaw kampus ka weyn ee Kemal Gözükara.

 

Hoyga ardayda waa mid si casri ah u qalabeesan oo loo gu talagalay in uu haqabtiro dhamaan baahiyaha ardayda, waxaa kuugu diyaar ah sariiro, armaajo, agabka jikada, musqulaha, TV, combuyuter, madbacad, hoolka wax aqriska, internet, iyo waxi lamida.
waxa kaloo kuugu diyaar ah meelaha lagu dabaasho, garoomada kubada cagta, basketball ka, iyo volleyball, maqaaxi. Kafateriyo, iyo dukaan.
Guryaha ardayda waa kuwa u kalaqeebsan labo wiilasha iyo gabdhaha. Waxaa heli kartaa qol gooni kuu ah, qol labo qof lagu seexanaayo, qol sadex qof lagu seexanaayo. Qololka iyo meelaha ka dhaxeeya ardayda waa la nadiifiyaa si joogto ah, waxaa kaloo 24 sac heegan ku jira adeega amniga iyo caafimaadka.

 

Si aad u ogaato qiimaha hoyga ardayda la xariir xafiiska maamulka hoyga.

 

Guryaha İjaarka Ah

Ardaydu waxa ay ijaaran karaan guryaha gaarka loo leeyahay kuwaa soo ka agdhaw kampuska Kemal Gözükara ayagoo isticmaali kara baabuurta jaamacada oo lacaglaan ah, qiimaha kirada guryahaa waxa ay u dhaxeesaa 200-400.

 

Fursadaha Guryaha Kale Oo İjaarka Ah

Waxaa jiro fursado gurya ijaar ah in aad ka hesho dagmooyika u dhaw jaamacada sida Avcilar, ezenyurt, Beylikdüzü, Esenyurt, Küçükçekmece, Büyükçekmece, Sefaköy, Beşyol kuwaaso lineka metrobus ku uu dhax maro.

Prospective Students