fbpx

Master’s Degree

Istanbul Arel University - International Office

Isdiwaangalinta Iyo Dokumintiyada La Iska Rabo

Si aad u xareesato bachelor degree program waxaa waa jib ah in aad buux buxiso codsiga online ka ah adigoo ka heli kara isa.arel.edu.tr.Maka aad codsiga buuxineeso waxaa laga baahanyahay in aad kulifaaqdo dukumintiyada hoos ku xusan.

 

  • Shahaada Dugsiga Sasre (oo ku turjuman English ama Af turki)
  • Transcript (oo ku turjuman English ama Af turki)
  • Koobiga Baasaboorka.

 

Ku dhufo inta si aad u xaresato

 

Kadib markii aad dirto cosiga xareenta jamacada, waxaa laguu soo diridoonaa Warqad ay ku qorantahay warbixin ku saabsan Lacagta hormariska ah ee lagadonayo in aad bixiso si lagugu soo diro warqada aqblaada Jaamaca Istanbul Arel.

 

Dukimintiyada La Iska Rabo Diwangalinta U Danbesa

 

Hadii aad kamid tahay ardayda la aqbalaly, waa in aad shaqsiyan u tagtaa xafiiska ardayda ajaanibta adigoo wata dokumintiyadada lagaaga baahanyahay, kuna tagaya waqtiga ku cayiman jadwalka sanad dugsiyeedka.

 

Xiliga isdiwaan galinta u danbeesa ardaydu waa in uu wataa dokumintiyada orjinalka ah ee uu ku lifaaqay markuu jaamacada xaresanayay, ku waas oo kala ah sidatan.

 

1. Shahaada Jaamaca oo saxiixan, taasoo ku turjuman afturki ama af ingiriis lagana soo tasdiiqiyay nootaayada. Hadii aysan marki hore soo marin safaarada turkiga eeku taala dibada.
 
2. Shahaada cadayneysa in la aqoonsanyahay Jamacada aad ka soo qalin jabisay, adoo ka dalbankara. https://www.turkiye.gov.tr/
 
3. Fiisada wabarashada aad ka soo qaadatay safarada turkilga ama qunsuliyada.
 
4. Koopiga Basaporka oo nooyaayesan
 
5. warqda rasiidka oo cadeyneysa in aad lacagta jamacada soo shubtay.
 
6. Sawir cabikiisu uu yahay (4.5 x 6 cm.) kasoo aad gashay 6 bilood u danbesay.
 
7. hadii ay jiraan imtixaano caalami ah oo la aqoonsanyahay kuwaas oo aad ku lifaqday marki aad jaamacada xaresanesay.
 
8. shahada cadeynta ee luqda, hadii shahaada ay ka soo baxday dalka dibadiisa waa in la soo notareeyoo, kudhufo inta si aad u ogaato shahaadoyinka aan aqbalno iyo darajooyinka.
 
Ardayda ajaanibta ah ee aqbalaada ka heysta kulyada waa in kasoo bixi karaan shuruudaha iyo xeerka luqadaha ee jamacada Istanbul arel. Haduu ardayku ku baaso imtixaanka qiimeynta luqada wax uu toos u bilaabi karaa kulalyda. Kuwa aan ku baasin imtixaanka qiimeynta luqada, waa in diyaarin luqada ingiriiska mudo hal sano ah. Hadii kuladiisa ay ku baxayso af turki waa in uu gaara heerka C1 TOMER.
 
9. koobiga iqamada waa hadii aad heysato.
 
10. Hadii ay jiraan dokumintiyo dheeri ah ay kaa dalbatay jaamcada arel, ayadoo eegeeso kulyada aad soo xareesatay.
 
Isdiwaan galinta u danbeesa laguma soo gudbin karo Email ama Boosto, hadii adan kasoo bixin shuruudaha is diwaan galinta xiliga laguu cayimay kuma lihid wax xuquuq ah jaamacada.
 
Marki aad jaamcada soo xaresaneso hadii aadan kasoo bixin shuruudaha ama aadan ku lifaaqin dokumintiyada lagaa rabo codsigaaga wax qiimeen ah laguma sameen doono.
 
Marki la qiimeenayo codisaaga iyo dukumintiyada hadii loo baahdo waa lagu soo waci karaa si laguula yeesho interview kasoo noqonkara online ama in aad timaadid jamacada.
 
Codsadayaasha lagu qabto dokumintiyo fake ah ama aan orginal aheen, ama wax laga badalay waxaa laga qaadi doonaa tiilaabo sharci ah, hadii ay dhigtaan jaamacda ama ay ka tageen labadaba. Hadii lasiiyay shahaado ama documinti kale dib ayaa looga noqsan doona. Loomana cilindoono wax lacag ah.
 
Fiira Gaara. Shahaadoyinka loo aqoosan yahay dhameynta dugsiga sare sida, Abitur, international Bacculaureate, GCE, iyo wixi lamid ah waa kuwaa mudo ay dhacayaan la heen, halka kuwa kale sida SAT ay dhaceeso mudo 2 sano ah marki la bixiyo kadib.

Prospective Students