fbpx

Gaadiidka Istanbul

Istanbul Arel University - International Office

Dadka kaso daganaya Airport ka (sabiha) waxay soo raaci karan buska nambarkisa u yahay E-11 ama E-10 kolba kaad ka heshid mesha,buskas wuxu ku kenaya meel la dhoho (Kadikoy) ka dib meesha ayaad kaso qadan doonta bus ay dhahan turkida (mertobus),kadib metro buskas wuxu ku keeni dona meel la dhoho (sefaköy) lkn lasoco jamacada waxay ledahay kambus yo badan hadi lugu dhoho kambuska sefaköy imow ayad wadada  aan soo sheegnay  mareysa lkn hadi lagu dhaho waxad timadaa kambuska (Kemal gözükara campus) meshad ugu dagan laheyd buska (Sefaköy)Markan waxan kaga daganeysa (Beylikdüzü son durak) station ay dhahan ka dib mesha ayad ka heli doonta bus free ah ku geynaya jaamacada kambus keeda meesha ku yaala.

 

Sabiha airport hadad rabtid inad aadid waxad raaci karta

 

E9 – Bostancı – Sabiha Gökçen Airport

E10 – Kadıköy – Kurtköy – Sabiha Gökçen Airport

E11 – Kadıköy – Sabiha Gökçen Airport

16S – Sabiha Gökçen Airport – Uzunçayır Metrobüs

SG1 – Kadıköy – Sabiha Gökçen Airport

SG2 – Taksim – Sabiha Gökçen Airport

122H – 4. Levent – Yenişehir – Istanbul Sabiha Gökçen Airport

130H – Deniz Harp Okulu (Tuzla) – Sabiha Gökçen Airport

132H – Pendik YHT – Sabiha Gökçen Airport

 

Sidoo kale waxaa sabiha airport ku aadi karta busas ay dhahan Havaist oo aad ka heli kartid busteejoyin loogu talgalay sida

 

Taksim Kadıköy iyo melo kale o badan

 

Dalka Turkiga waxa laga isticmaala gaadiidka nuucyadiisa kaladuwan oo isku xiro dhamaan wadanka sida wadooyinka caadiga ah, tareen, cir iyo badda.  Waxaa jira 3 station oo waaweyn oo ay ka baxaan bususka aada dhamaan magaloyinka wadanka. Marka laga reebo Esenler Coach Terminal, oo ah isteeshanka ugu weyn dhinaca Yurub, waxaa jira isteeshano kale oo kuwada yaala dhinaca Yurub iyo dhinaca asia

 

Gaadiidka gudaha magaalada

 

Waxaad isticmaali kartaa doomaha, taraamka, metro, metrobus, basaska dadweynaha iyo kuwa magalada Istanbul.  Waa inaad haysataa kaarka gaadiidka dadweynaha ee Istanbul si aad u isticmaasho gaadiidka dadweynaha. Hadaba sida u hesho karka istanbul waa inad tagtaa dukamada ay ku qoran tahay istanbul kart ama waxad ka dalban karta online ahaan.

 

hadaba sidad u hesho istanbul kart waxad u bahan tahay

 

*1 sawir testaro

*waraqada arday nimada jamacada

*kimlik ama passport kolka kad heysayo

*60 TL oo lacakta Turkiga ah

Nolosha Istanbul